Sadax Arimood Oo Laf Dhuun Gashay Ku Noqday Dhaxal Sugaha Sucuudiga Ee Maxamed Binu Salmaan

0
471

Sadax Arimood Oo Laf Dhuun Gashay Ku Noqday Dhaxal Sugaha Sucuudiga Ee Maxamed Binu Salmaan

Maalmo adag ayay u tahay hoggaanka Sacuudiga gaar ahaanna dhaxalsugaha awoodda leh ee Maxamed bin Salmaan, oo loo yaqaanno MBS.

Gudaha dalkiisa caan ayuu ka yahay, balse caalamka waxaa la ogyahay inuu awoodi waayay inuu meesha ka saaro shakiga doorkii la sheegay inuu ku lahaa dilkii sanadkii 2018 loo geystay weriye Jamal Khashoggi.

Haatanna maamulka Mareykanka ayaa qabanqaabinaya inuu u guuro Aqalka Cad, Madaxweynaha la doortay Joe Biden ayaana caddeeyay inuu mowqif ka adag kan Madaxweyne Trump ka qaadan doono arrimo la xiriira Sacuudiga.

Sidaas darteed, waa maxay arrimaha haatan taagan maxayse muhiim ugu yihiin xukuumadaha Washington iyo Riyadh?

Dagaalka Yemen

Tani waxay u ahayd musiibo inta badan dadkii ku lugta lahaa, balse wuxuu dagaalku gaar ahaan saameeyay bulshada Yemen ee ay nafaqo darrida daashatay.

Sacuudigu ma bilaabin dagaalkan – Xuutiyiinta ayaa bilaabay markii ay isugu yimaadeen caasimadda Sanca daba yaaqadii sanadkii 2014 ayna xilka ka tuureen dowladdii markaas jirtay. Xuutiyiinta waa koox qabaa`il oo ka soo jeedda buulareyda waqooyiga dalkaas, waxayna wax ka yar 15% ka yihiin bulshada Yemen.
Bishii March 2015, MBS, oo ahaa wasiirkii gaashaandhigga Sacuudiga, ayaa si qarsoodi ah u abaabulay isbahaysi dalalka Carabta ah waxayna kaddib dagaalka ku galeen awood weyn oo dhanka cirka ah, iyaga oo rajo ka qabay inay Xuutiyiinta ku qasbaan inay isku soo dhiibaan muddo bilo gudahood ah.

Ku dhowaad lix sano oo haatan laga joogo, kumannaan qof oo la dilay kuwo kalena la barakiciyay, isla markaana dembiyo dagaal ay galeen labada dhinacba, isbahaysiga uu Sacuudigu horkacayo ayaa ku guul darreystay inay Xuutiyiinta ka saaraan Sanca iyo galbeedka Yemen.

Iyagoo gacan ka helaya Iiraan, Xuutiyiinta ayaa gantaallo ku ridayay Sacuudiga, iyaga oo beegsaday xarumo shidaal oo Jiddah ku yaalla.
Waa arrin uu qarash badan ku baxay qorshooyin badan oo nabadeed ayaana guul darreystay.

Dagaalka Yemen wuxuu galaafanayaa dadka Yemen wuxuuna ka careysiinayaa xulafada Sacuudiga, halka uu cambaareyn kala kulmay dibadda.
Sacuudiga ayaa jeclaan lahaa qaab uu uga baxsado dagaalka isaga oo sumcaddiisa dhowranaya. Balse sida ay qabaan, “si ay Iiraan uga joojiyaan inay gacan ku yeelato xadkooda koofureed”, waxay ku adkeysanayaan inaysan aqbali karin in maleeshiyaad hubeysan oo Iiraan ay taageereyso ay xukumaan Yemen.
Si kastaba, waqtiga ayaa ka sii dhammaanaya dadaalka Sacuudiga ee dagaalka.

Sanadkii 2016, dhamamadkii madaxtinnimadiisa, Barack Obama wuxuu hakiyay qaar ka mid ah taageerada Mareykanka. Donald Trump ayaa taas wax ka beddelay isaga oo Riyadh siiyay dhammaan caawinaadda sirdoon iyo tan dhaqaale ee ay codsatay. Haatan maamulka Mr Biden ayaa sheegay inay u muuqato inuusan sii wadi doonin taageeradaas.

Waxaase jira cadaadis ku saabsan in la soo afjaro dagaalka.
Haweenka jeelka la dhigay
Arrintan waxay ahayd mid dhaawacday sumcadda hoggaanka Sacuudiga ee caalamka.

Saddex iyo toban haween Sacuudiga u dhashay oo xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa ayaa la xiray, mararka qaarna tacaddiyo ba`an ayaa lagula kacay, sababo la xiriira iyaga oo dalbaday in la siiyo xaqa gawaari kaxaynta lana soo afjaro hannaanka aan caddaaladda ahayn ee hoggaanka ragga.
Kuwo badan, oo ay ku jirto haweeneyda caanka ah Loujain al-Hathloul, ayaa la xiray sanadkii 2018, wax yar kahor markii la qaaday xayiraaddii haweenka ka saarneyd inay gawaarida kaxeeyaan.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa Ms Hathloul ku eedeeyay basaasnimo iyo inay “lacag ka qaadatay quwad shisheeye”, balse waxay ku guul darreysteen inay caddeymo keenaan.
Saaxiibbadeed ayaa sheegay inaysan waxba sameyn marka laga reebo in shir xuquuqda aadanaha ay uga qeyb gashay dibadaha ayna shaqo ka codsatay Qaramada Midoobay.

Qoyskeeda ayaa sheegay in la garaacay, koronto lagu qabtay oo kufsi loogu hanjabay intii ay xirneyd, isla markaana xilligii ugu dambeysay ee ay arkayeen ay si aan xad lahayn u jareyneysay.
Si la mid ah dagaalka Yemen, kani waa god uu qotay hoggaanka Sacuudiga, haatanna uu doonayo sidii uu uga baxsan lahaa.

Iyadoo muddo dheer ay xirnaayeen haweenka, iyadoo aan wax caddeymo ah loo heynin oo lagu soo taago maxkamadda dal leh hannaan garsoor oo madax bannaan, sida keliya ee uu uga baxsan karo waa “cafin shuruud la`aan ah”.

Waxaa la filan karaa in arrintan uu soo jeediyo maamulka Biden.

Jaritaanka Qadar

Tani, guudka, waxay uga muuqataa in dadaal dheer kaddib lagu xalliyay dhexdhexaadin uu sameeyay Kuwait. Guntase, dhibaatadu waa mid qoto dheer.

Sanadkii 2017, maalmo kaddib booqashadii uu Madaxweyne Trump ku tegay Riyadh, Sacuudiga ayaa ku biiray dalalka Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar si xayiraad curyaamin leh loogu soo rogo dalka ay deriska yihiin ee Qadar.
Sababta, ayay ku sheegeen, inay tahay taageerada aan la aqbali karin ee ay Qadar u fidineysay kooxaha Islaamiyiinta ah, taas oo sababtay argagixisanimo.

Imaaraatka Carabta ayaa soo saaray liis shakhsiyaad la sheegay inay argagixiso yihiin oo ku noolaa Qadar, balse dalkaasi ayaa beeniyay inuu taageero argagixisada wuxuuna diiday inuu u hoggaansamo dalabka xulafadaas, oo ay ku jirtay inuu albaabbada u laabo telefishinka astaanta u ah dalkaas ee Al Jazeera.

Si la mid ah Xuutiyiinta Yemen, waxaa jirtay filasho aan loo meel dayan oo ah in Qadar ay wiiqmi doonto kaddibna is dhiibi doonto. Balse taas ma dhicin, waxaana loo aaneynayaa dhaqaalahooda baaxadda leh – Qadar waxay qani ku tahay shidaalka waxayna dhaqaalaha UK keliya ku maal gashatay in ka badan £40bn ($53bn) – waxayna taageero ka heysataa Turkiga iyo Iiraan.
Sanadihii la soo dhaafay waxaa Bariga Dhexe ka taagnaa qas. Dhinac waa Sacuudiga iyo xulafadiisa.
Dhinaca kalena waa Qadar, Turkiga iyo dhaqdhaqaaqyo badan oo siyaasadeed oo Islaami ah oo ay labadooduba taageeraan, sida Akhwaanul Muslimiin iyo Xamaas oo Gaza ku sugan.

Dhaqdhaqaaqyadaas waxaa neceb hoggaamiyeyaasha Sacuudiga iyo xulafadiisa oo u arka inay khatar ku yihiin xukunkooda.

Su`aal kama taagna in saddexdii sano iyo barkii ay socotay xayiraadda Qadar ay dhaqaale iyo siyaasad ahaanba dhaawac u geysatay labada dhinac.

Waxay sidoo kale dhaawacday midnimada Gacanka Carbeed iyadoo ay jirtay xilli hoggaamiyeyaasha Gacanka Carbeed ay ka walwali jireen barnaamijyada nukliyeerka iyo hubka ee Iiraan.
Ergayga Madaxweyne Trump, Jared Kushner ayaa ku sugnaa Gacanka isaga oo gadaal ka riixaya soo afjaridda muranka, waxaa sidoo kale cad in maamulka Biden uu doonayo in la xalliyo. Qadar, dhanka kale waxay martigelisaa saldhigga ugu weyn ee Pentagon-ka uu ku leeyahay dibadda kaas oo ku yaalla Al-Udaid.

Balse wax walba oo lagu heshiiyo waxay u baahnaan doontaa in la dhaqan geliyo.

Waxay ku qaadan doontaa sanado inay Qadar cafiso dalalka deriskeeda ah, iyagana sanado ayay ku qaadan doontaa inay mar kale aaminaan Qadar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here