Sacuudiga oo xiray Diblomaasiyiin ku lug lahaa fal Dambiyeed lacag badan laga sameeyay

0
155

Sacuudiga oo xiray Diblomaasiyiin ku lug lahaa fal Dambiyeed lacag badan laga sameeyay

Hay’adda la dagaallanka musuq-maasuqa ee Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay shabakad ay ka mid yihiin diblomaasiyiin ka ganacsan jiray dal ku galka Boqortooyada.

Hay’adda oo magaceeda loo yaqaano Nazaha ayaa sheegtay in 13 tuhunsanayaal ah loo qabtay musuq-maasuq ku kacay in ka badan 10 milyan oo dollar. Dadkaas waxaa kamid ah laba nin oo kamid ah hawlwadeennada safaaradda uu Sacuudiga ku leeyahay Bangladesh.

Shabakada ayaa la sheegay in qaab sharci darro ah ay dal ku galka shaqada uga iibin jireen muwaadiniinta Bangladesh ee donaya in ay ka shaqeeyaan gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Hay’adda ayaa sheegtay in baaritaankeeda ay bilowday kadib markii ay cabasho ka soo gaartay muwaadin Bangladesh u dhashay oo ku nool Sacuudiga, oo sheegay in shaqaalo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ay ku amreen saxiixa malaayiin riyaal oo la siin lahaa maalgashade Falastiini ah.

Waxaa la soo xiray labada hawlwadeen ee laga soo dacwooday iyo maalgashadaha Falastiiniga ah. Baaritaanka ayaa sidoo kale horseeday qabashada saddex muwaadin oo u dhashay Bangladesh.

“Baaritaan lagu sameeyay guryaha saddexdaas qof ee Bangladesh u dhashay ayaa waxaa laga helay lacag dhan 5.38 milyan oo dollar, dahab iyo gawaarida raaxada, hantidaas oo ah mid laga sameeyay iibinta dal ku galka Boqortooyada” ayay barteeda Twitter ku sheegtay hay’adda Nazaha.

Hawlgal kale oo ay hay’addu samaysay ayaa waxaa lagu soo qabtay shan muwaadin oo Bangladesh u dhashay, kuwaas oo ka tirsanaa shabakada iibisa dal ku galka Sacuudiga, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

Labada diblomaasi ee laga qabtay safaaradda Sacuudiga ee Bangladesh ayaa magacyadooda lagu sheegay Abdullah Falah Mudhi al-Shammari oo ah madaxa hawlaha qunsuliyadda ee safaaradda Dhaka iyo ku xigeenkiisa oo lagu magacaabo Khaled Nasser Ayed al-Qahtani.

Labadan mas’uul ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay qaateen lacag dhan 14.4 milyan dollar mudadii ay ku hawlanaayeen bixinta dal ku galka shaqada.

Hay’adda ayaa sheegtay in labada diblomaasi ay qirteen dembiga lagu eedeeyay, isla markaana ay sheegeen in lacagta qeyb ahaan lagu siiyaya gudaha Sacuudiga halka inta kalena ay ku maalgashadeen dibedda.

In ka badan 2 milyan oo Bangladeshi ah ayaa ka shaqeeya Boqortooyada Sacuudi Carabiya, sida ay muujinayso xogta ay faafisay xukuumadda Dhaka.

Muwaadiniinta Bangladesh ee ka shaqeysta waddamada Bariga Dhexe ayaa lacagaha ugu badan u dira eheladooda ay ka soo tageen, waxaana dakhligaas uu yahay kan labaad ee uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha waddankaas, marka laga reebo dharka uu dibedda u iib-geeyo.

 

Bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here