Sacuudiga oo laga cabsi qabo inuu dil ku fuliyo in ka badan 50 ruux oo ay ku jiraan Soomaali

0
25

Sacuudiga oo laga cabsi qabo inuu dil ku fuliyo in ka badan 50 ruux oo ay ku jiraan Soomaali

Waxaa sii kordhaya cabsida laga qabo in boqortooyada Sacuudiga ay dhowaan fuliso xukunno dil ah oo lagu riday ku dhowaad 50 maxbuus Afrikaan ah, oo ay ku jiraan dad Soomaali ah, sida ay xaqiijiyeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

 

Warar laga helayo gudaha xabsiga Najran oo ku yaalla koonfurta Sacuudiga, meel u dhow xuduudka dalka Yemen, ayaa muujinaya in maxaabiistan oo u badan dad kasoo jeeda Soomaaliya iyo Itoobiya ay heleen digniino rasmi ah oo sheegaya in dilkooda la fulin doono maalmaha soo socda.

 

Eedeymaha loo haysto waxay inta badan la xiriira dambiyo ka ganacsiga daroogada, taasi ciqaab dil ah sida uu dhigayo sharciga Sacuudiga.