Rwanda oo 48 saacadood u qabatay in ay dalkaasi uga baxaan Diblumaasiyiinta Belguim

0
27

Rwanda oo 48 saacadood u qabatay in ay dalkaasi uga baxaan Diblumaasiyiinta Belguim

­Dowladda Rwanda ayaa ku dhowaaqday in ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Belgium, iyadoo diblomaasiyiinta Brussels ku wargelisay in ay dalka uga baxaan muddo 48 saacadood gudahood ah.

 

Rwanda ayaa Belgium ku eedeysay in uu adeegsanayo been abuur iyo marin-habaabin si uu u abuuro aragti colaadeed ka abuurayo bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

 

Wasiirka arrimaha dibedda ee Belgium, Maxime Prevot, ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid xad-dhaaf ah oo muujinaysa in Rwanda aysan dooneyn in lagu heshiiyo arrimaha la isku khilaafsan yahay.

 

Waxa uu intaas ku daray in Belgium ay si la mid ah uga jawaabi doonto arrintan, iyada oo diblomaasiyiinta Rwanda laga masaafurin doono dalkaasi.

 

Xiisaddan diblomaasiyadeed ayaa kusoo beegmaysa xilli hoggaamiyeyaasha Afrika ay dadaal ugu jiraan in la gaaro xabbad-joojin waarta oo lagu joojiyo colaadda ka taagan bariga Congo, halkaas oo Rwanda lagu eedeeyay in ay taageerto dagaalyahannada fallaagada ah ee M23.