RW Xamsa Cabdi Barre: “Waa in aan u diyaargarownaa wajiga labaad ee dagaalka”.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay sugidda amniga iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ayaa sheegay in Wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee Dowladda Federaalka ay u diyaargaroobaan dagaalkaas.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay hormuud u yihiin Bulshada loogana baahan yahay ku hoggaaminta dagaalka si ay ugu dhiirradaan waa sida uu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Arrinta Amniga mar uu soo hadal qaaday waxa uu sheegay in keliya aanay looga harin in la sugay nabadgalyada balse loo baahan yahay in lasii xoojiyo lana gaaro deegaannada ay weli joogaan ‘AS’ si looga qabsado.
“Ajande qaran oo weyn waxaa inoo ahaa arrinta amniga, arrintii Amniga waxaa rabnaa in aan dardargelino, waxa aan u baahanahay in aan dardargelin la imaano oo Xukuumaddu hormuud ka tahay oo wajiga labaad ee dagaalka ah loogana qaybqaadanayo sidii horay looga qaybqaatay oo kale” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre.
Wasaaradaha shaqadoodu tahay amniga iyo la dagaalanka ‘AS’ ee Gaashaandhigga & Amniga ayuu faray Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre in ay la yimaadaan qorshe cad oo lagu dhaqaaqayo si wajiga labaad ee howlgallada loo guda-galo.
“Shacabku hoggaankooda halkaan ayay fadhiyaan, Haddii Wasiirku iska aamuso ama xishoodo oo uu dhaho ayaantaan Xamar wey ii fiican tahay dhib kama jiree oo dagaalkiiba waa dhammaaday haddii uu saas u maleeyo arrintu sidaas ma ahan, waxa aan u baahanay in aan baxno oo Wasaaradda Gaashanadhigga qorshe keento oo Wasiiradu howlgalkaas uga qaybqaataan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay RW XFS.
Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Dadka deegaanka & Ciidanka Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug ayaa bilihii u dambeeyay gacanta ku dhigay deegaanno dhowr ah oo ‘AS’ muddo heysatay.
Qaar kamid ah deegaannadaas waxaa maalmihii u dambeeyay weeraray dagaalamayaal katirsan ‘AS’ waxaana loo sababeeyay in uu gaabis ku yimid dardartii uu ku socday howlgalka wajiga 1aad ee Ciidamada Iskaashanaya.