RW Ingiriiska oo qayb ka noqonaya kulanka maanta dhexmaraya Trump & Zelensky

0
37

RW Ingiriiska oo qayb ka noqonaya kulanka maanta dhexmaraya Trump & Zelensky

Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Sir Keir Starmer ayaa la xaqiijiyay in uu qayb ka yahay wadahadalka maanta Aqalka Cad ku dhexmaraya Madaxweyneyaasha Maraykanka Donald Trump iyo Ukraine Volodymyr Zelensky ee looga hadlayo colaadda Ruushka.

Afhayeen u hadlay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska ayaa sheegay in sababta Britain ay qaybta uga noqoneyso kulankaan ay tahay kaddib markii Madaxweynaha Ukraine Volodymyr uu diiday go’aanka Donald Trump ee dhulkiisa qayb kamid ah looga siinayo Ruushka.

Xubno kale oo katirsan Madaxda reer Yurub sida Faransiiska, Jarmalka iyo ururka ay ku mideysan yihiin ee EU ayaa kulankaan kasoo muuqan doonnaa maadaama Madaxweynaha Ukraine uu u muuqdo in uu u dad badsaday culeyska la saarayo.

Ruushka ayaa ku qanacsan in uu qaato qayb kamid ah dhulka Ukraine oo haatan gacanta ku hayo, halka Kyiv ay diidan tahay in taako kamid ah dhulkeeda ay marto dhinaca Moscow balse Madaxweynaha Maraykanka oo arrintaan farageliyay ayaa niyad jabiyay MW Zelensky.

La soco wixii kasoo kordha