Ruushka oo hubeenaya ururka Xisbullaah iyo Israa’iil oo walaac lasoo darsay

0
32

Ruushka oo hubeenaya ururka Xisbullaah iyo Israa’iil oo walaac lasoo darsay

Maamulka Israa’iil ayaa si weyn uga walaacsan in dowladda Ruushka ay hubeyso ururka awoodad badan ee Xisbullaah, kaa oo dagaal adag oo jilbaha la isku dhigtay kula jira milatariga Israa’iil ee duullaanka cirka iyo dhulka ah kusoo qaaday koonfura dalka Lubnaan.

Ciidamada Israa’iil ayaana ku fashilay in ay soo afjaraan dagaalyahannada Xisbullaah, waxa ayna ciidamada Israa’iil khasaarooyin badan aysan fileyn kala kulmeen dagaalka ay kula jiraan Xisbullaah, dagaalkaas oo noqday sidii la filayay mid ka duwan.

Israa’iil ayaa hadda cabsi ka qabta in dowladda Ruushka hub iyo saanad kale ku caawiyaan ururka Xisbullaah, waxa ayna Israa’iil tuhmayaan in kaalmada milatari ee Ruushka ka imaan karta loo soo mariyo Xisbullaah dalka Syria.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Saar, ayaa sheegay in ay jirto rajo ay ka qabaan hab diblomaasiyadeed in lagu soo afjaro dagaalka Lubnaan , isagoo markaa sheegay dadaallada Mareykanka inay ku dhowyihiin natiijo laga gaaro heshiis lagu joojinayo dagaalka dhinaca Lubnaan.

Wasiir Gideon Saar ayaa sidoo kale ka codsatay dowladda Ruushka inuu dadaallada nabadda uu qeyb ka noqdo si dagaalka loo joojiyo, waxa ayna Israa’iil sheegtay in ay soo dhaweenayaan xal kasta oo markan dagaalka lagu joojin karo.