Ruushka Oo Dib Ugu Soo Celiyay Ciidankii Ka Joogay Ukraine

0
363

Ruushka Oo Dib Ugu Soo Celiyay Ciidankii Ka Joogay Ukraine

Wakaaladda wararka Reueters oo soo xiganeysa wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax ayaa sheegtay in ciidamo ka badan 10,000 oo Ruush ah ay dib ugu laabteen saldhigyadooda joogtada ah, kaddib marki ay muddo bil ah aag uga jireen meel u dhaw xadka uu Ruushka la wadaago Ukraine.

Interfax waxay sheegtay in ciidankaasi ay qeyb ka ahaayeen dhoola-tus millatari oo ay ciidamada qalabka sida ee Ruushka ka sameeyeen dhowr gobol oo u dhaw Ukraine, oo uu ku jiro Crimea oo uu Ruushku xoog uga qabsaday Ukraine sannadki 2014, sidoo kale carbiska ayaa ka dhacay gobollada Rostov iyo Kuban.

Ciidamada ay Ruushka ku daadisay kasoo billow waqooyiga, bariga ilaa koofurta xadka Ukraine ayaa dhaliyay qeylo dhaan xoog leh oo kasoo yeertay Dowladda Ukraine iyo dalalka saaxibadda la ah ee reer Galbeedka, kuwaas oo ka walaacay suurtagalnimada weerar uu Ruushka ku qaado Ukraine.

Ruushka ayaa beeniyay inuu duullaan ku yahay Ukraine, balse dalbaday in NATO ay ka harto damaceeda ah in ay isku ballaariso dalalka u dhaw Ruushka oo ay Ukraine ka mid tahay.

Ruushka wali waxaa ka jooga xadka Ukraine, tobnaan kun oo ka mid ah millatarigiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here