Roobab aan joogsi lahayn oo saameeyay qaxootiga Suudaan ee Dalka Jaad ku sugan
Dalka Jaad waxaa ku dhibaateysan qaxooti reer Suudaan ah oo ka barakacay colaadda dalkooda ka jirta kuwaas oo tiradoodu lagu sheegay in ay gaareyso 1.2 Milyan oo ruux, waxa ay degen yihiin Magaalada Adre Gobolka Ouaddaï ee dhaca Koofur Bari Dalkaas.
Waxa ay degen yihiin guryo si kumeel-gaar ah dib u dejin loogu sameeyay maadaama ay baxsad ka ahaayeen colaadda dalkooda ka dilaacsaday sanadkii 2023 oo dagaallo culus isaga hor yimaadeen ciidamada dowladda iyo Kooxda gurmadka degdega ah ee RSF.
Roobab aan dhammaad lahayn ee ka da’aya ayaa saameyn taban ku reebay qoysaskaan sabab la xiriirta in aanay heysan guryo awood u leh inay iska difaacaan roobka xooggan iyo qabowga xad dhaafka ah ee habeenkii soo dhaca.