Roob Khasaaro Geystay Oo Ka Da’ay Degaano Ka Tirsan Somaliland

0
498

Roob Khasaaro Geystay Oo Ka Da’ay Degaano Ka Tirsan Somaliland

Deegaano ka tirsan Gobolka Sool ee Somaliland ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay halkaas ka da’ay Roobab xoogan oo mahiigaan ah, kuwaasi oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, iyadoo uu ka jiray kuleyl.

Roobabka oo ahaa kuwo dabeylo watay ayaa siweyn uga da’day deegaanka lagu magacaabo xudun ee Gobolka Sool, waxaana roobka uu biyo badan dhigay waddooyinka ku yaalla halkaas.

Sidoo kale roobka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo mid hantiyadeed, waxaana halkaas ku geeriyooday Marxuun lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Daarood oo 25 jir ahaa halka uu dhaawac daran ka soo gaaray Cabdilaahi Cawil Hufe oo 40 jir ah ka dib markii uu ku soo dumay guri ay ku jireen.

Guddoomiyaha deegaanka Xudun oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Roobka marka horey lagu diirsaday, hayeeshee uu burburiyay in ka badan 20 guri oo isugu jiray Jiingado iyo kuwo Sar aha, maadaama Roobka uu watay dabeylo xoogan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in dadkii deganaa guryaha dumay ay la’yihiin hoy, wuxuuna hay’adaha gargaarka ugu baaqay inay gurmad deg deg ah la soo gaaran dadkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here