Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP- 2025-2029)

0
26

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP- 2025-2029)

Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Qorshaha Isbeddelka Qarankaee (National Tranformation Plan 2025-2029).

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in qorshahan ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada uu ku saleysan-yahay hannaan lagu horumarinayo kaabayaasha kala duwan ee dalkeennu leeyahay, iyada oo lagu tayeynayo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

 

“Waxaan diyaarinnay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029), oo lagu horumarinayo dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Caddaaladda iyo Arrimaha bulshada, korna loogu qaadayo ilaha dakhliga dalka iyo fursadaha maalgashi ee loo baahan yahay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

 

Qorshaha Isbeddelka Qaranka ayaa qoraalkiisu socday in muddo ah ayna ansixiyeen Golaha Wasiirrada, iyada oo ay diyaariyeen in ka badan 400, qof, lana filaayo in lagu horumariyo dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Caddaaladda iyo Arrimaha bulshada.