Ra’iisul Wasaare Rooble Iyo Midowga Musharaxiinta Oo Kulan Uga Socda Madaxtooyada

0
357

Ra’iisul Wasaare Rooble Iyo Midowga Musharaxiinta Oo Kulan Uga Socda Madaxtooyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa haatan waxaa uu kulan gaar ah uga socdaa Xarunta Madaxtooyada.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa looga wada hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, dardar gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Ilo-wareedyo ayaa sidoo kalena sheegaya in kulanka looga arrinsanayo sida Midowga Musharaxiinta uga qeyb geli lahaayeen Shirka  Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo 27 bishaan ka furmaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa Midowga uga qeyb galaya Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno kale oo ka tirsan Midowga.

Musharaxiinta ayaa dhawaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ka dalbaday in la saxo qalalaadka ka jira doorashada dalka, iyagoona sheegay in haddii la saxi waayo arrintaas aysan aqbali doonin Natiijada kasoo baxda doorashada Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here