Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Daahfuray dhismaha Wadooyinka isku xira Muqdisho,Jowhar iyo Afgooye.

0
572

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Daahfuray dhismaha Wadooyinka isku xira Muqdisho,Jowhar iyo Afgooye.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay bilaabashada mashruuc lagu dhisayo waddooyinka xiriiriya Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar.

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku guuleysatay dhismaha waddooyinkan ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan sidii loo dhisi lahaa wadooyinkan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa goobjoog ka ahaa madasha heshiiska lagu kala saxiixday heshiiskan.

Dowlada Qadar ayaa maalgelineysa dhismaha wadooyinkan isku xira magaalooyinka Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Gobolada Banaadir iyo Labada Shabeelle.

Dhismaha wadooyinkan ayaa waxay muhiim u yihiin isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka qaada kuwaasi oo dhibaato weyn ku qabay burburka wadada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here