Ra’iisul Wasaare Abiy Oo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Xubno Wasiiraa

0
373

Ra’iisul Wasaare Abiy Oo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Xubno Wasiiraa

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa xilalkii ka qaaday xubno la rumeysan yahay inay kasoo horjeedaan Xukuumaddiisa.

Xubnaha xilka qaadista uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii Wasaaradda Gaashaandhigga oo horey u soo noqday madaxweynaha Oromada.

Waxaa kalo jira xubno kale oo xilalka laga qaaday, kuwaa oo lagu badalay Madax cusub, waxaana xubnaha xilka laga qaaday kamid ah:

Dr. Qanca Yaadhetaa- Wasiirka Gaashaandhigga.

Dr Gediyoon Timoteewos- xeer ilaaliyaha guud.

Dr. Saamuel Hurkaato- wasiirka sayniska & tacliinta sare.

Eng. Taakale Umma -wasiirka macdanta iyo shidaalka.

Professor Hiruut Weldemaaryam la-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Arrimaha Bulshada.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in maalmihii lasoo dhaafay Gobolka Oromada ay ka socdeen banaanbaxyo rabshado wata, isla markaana looga soo horjeedo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiyd Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here