Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo xaliyay khilaafkii Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida

0
499

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo xaliyay khilaafkii Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta Xafiiskiisa Addis Ababa ku qaabilay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar iyo Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka ee haya talada dowlad deegaanka Soomaalida Axmed Shide, isagoo ku guuleystay in la xaliyo khilaafkii labada dhinac u dhaxeeyay.

Kulankan ayaa looga hadlay dhaqaaqyada ammaanka iyo horumarka ka jira Gobolka Soomaalida, iyagoo isku soo qaaday xaaladihii u dambeeyay ee xiisadda siyaasadeed sidii loo dhameyn lahaa.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa isu keenay labada Mas’uul oo maalmihii u dambeeyay uu khilaaf u dhaxeeyay, waxaana uu u sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo horumarka gobolka, jihada ay tahayna loo maro.

Sawir la soo geliyay barta Twitter-ka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa muujinayay isaga oo labada gacmood hayay labada nin ee isku hayay siyaasadda dowlad deegaanka Soomaalida.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweyne Mustafe Cagjar uu gaaray magaalada Addis Ababa, kaddib markii looga yeeray, si loo xaliyo xiisadaha siyaasadeed ee ka jiray dowlad deegaanka, gaar ahaan magaalada Jigjiga ee xarunta u ah.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar ayaa todobaadyadii u dambeeyay la kulmayo caqabado siyaasadeed oo uga imaanayay Hoggaanka Xisbiga Talada haya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here