Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Balli-dhiig iyo Madaxweyne Biixi oo ka hadlay
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino oo shalay galab ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Balli-dhiig ee gobolka Togdheer, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac.
Gaari Bas ah oo la sheegay in ay la socdeeen arday wax ka dhigata iskuulka Ina Sanweyne ayaa waxaa la kacday qarax miino, waxaana halkaasi ku dhintay Cali Ibraahim Sii-arag oo la socday baska qaraxu haleelay halka dhoor ardayna ku dhaawacmeen qaraxa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay ayaa tacsi u diray ehelada marxuumka qaraxa ku dhintay, waxa uuna caafimaad u rajeeyay ardayda ku dhaawacantay qaraxaasi miino.
Saraakiil katirsan laamaha amaanka Somaliland ayaa sheegay in baaritaano lagu sameyn doono qaraxan miino ee haleelay gaariga ay la socdeen ardayda wax ka dhigata Iskuulka Ina Sanweyne.