Qarax Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Magaalada Baydhabo Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

0
415

Qarax Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Magaalada Baydhabo Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Qarax khasaare dhaliyay ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana ka kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan Qaraxaasi la sheegay in uu ka dhacay Baydhaba.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxu uu ahaa mid lagu soo raray Mooto Bajaaj, iyadoo sida wararku shegayaan in lagu bartilmaameedsaday dad Shacab ah.
Dad Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in ay jugta Qaraxa ka maqleen xaafadaha kala duwan ee Magaladaasi baydhabo, waxaana jira sida ay sheegeen dad shacab ah oo dhaawacyo ay kasoo gaareen qaraxaasi.

Maamulka degmada iyo hay’adaha ammaanka wali wax war ah kama soo saarin qaraxaasi, waxaana goobaha Caafimaadka la gaarsiiyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxa, iyadoo Isbitaalka Baydhabo la geeyay dadkii shacabka ahaa ee ku dhaawacmay qaraxaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here