Qaramada Midoobay Oo Sare U Qaadaysa Gargaarka Bini’aadantinimo Ee Soomaaliya

0
386

Qaramada Midoobay Oo Sare U Qaadaysa Gargaarka Bini’aadantinimo Ee Soomaaliya

Iyadoo sanadkaan abaar baahsan ku dhufatay dalka oo saameeysay qoysas farabadan oo kunool Gobolada dalka ayaa Hay’adda gargaarka ee Qaramada Midoobay waxaa ay sheegtay inay sare u qaadayso gargaarka Bini’aadantinimo ee dalka.

Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay in qiyaastii 4.9 milyan oo qof ay saameeysay abaarta, ayna ka casbi qabaan inay kasii dari doonto dhammaadka bisha June ee sanadkaan 2022, isla  markaana ay sare u qaadi doonaan gargaarka Bini’aadantinimo.

Isku duwaha Gargaarka Bini’aadantinimo ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula oo booqasho ku tegay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay heerarka baahidu ay si xawli ah kor ugu kacayso, wuxuuna xusay inay caawinayaan 4.9 milyan oo ka mid ah dadka ugu nugul ee ay saameeyeen abaaraha ka jira Soomaaliya.

“Qiyaastii 4.9 milyan oo qof ayaa waxaa saameeyay mowjadda abaarta, waxaana la filayaa in ay kasii dari doonto dhammaadka bisha June,” ayuu yiri Abdelmoula ka dib markii uu booqasho ku tagay Magaalada Gaalkacyo si ay u qiimeeyaan saameynta abaarta.

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee xaalada abaareed ee ka soo baxday xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Bini’aadantinimada ee OCHA ayaa lagu sheegay in xaalada degdega ah ee abaaraha Soomaaliya ay ka sii dartay heer uu dalku wajahayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here