Puntland Oo War Kasoo Saartay Dagaalka Magaalada Boosaaso

0
546

Puntland Oo War Kasoo Saartay Dagaalka Magaalada Boosaaso

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa markii ugu horreysay war Rasmi ah kasoo saartay dagaalka galay maalintiisii labaad eek a socda magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland  Cabdi Samad Maxamed Gallan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin xabad joojin ka dhaqan gasha Boosaaso, kaddib dadaalo nabadeed ay wadeen Culimada iyo Isimada Puntland.

Xabbad joojinta oo ay ka qayb qaateen Qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland ayaa hadda la filayaa in si toos ah ay u dhaqan gasho, waxaana hadda socda dadaallo lagu kalaqaadayoCiidamada is hor fadhiyay ee dirirtu u dhexeeysay.

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo ka mid ah Isimada Puntland ayaa sheegay in labada dhinac aqbaleen xabad joojin iyo wada hadal, dhankoodan ay ka qayb qaadan doonaan sidii arrinta loo xalin lahaa.

Dagaalka ka socday Boosaaso ayaa waxaa ka dhashay Dhimasho iyo dhaawac farabadan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah, oo guryahooda ay rasaastu ugu tagtay.

Waxaana sidoo kale magaalada ka dhacay Barkac aad u weyn, iyadoo la arkayay dadka shacabka ah oo xaafadaha qaar isaga baxaya, si aysan Xabbadaha iyo Madaafiicda habowga ahi u haleelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here