Puntland Oo U Dabaal Degeysa Aas-Aaskeedii Oo Laga Joogo 21-Sano
Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da1-da Agoosto waxaa deegaanada maamulka Puntland looga dabaal degayaa Sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay maamul-gobaleedka Puntland 1-dii Agoosto 1998-dii,iyada oo saakay si weyn looga dareemayoqaban qaabada munaasabadda magaalada Garoowe iyo deegaanada kale.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda fedraalka Somalia ayaa ka qeyb geli doona munaasabadda lagu weynaynayo aas-aaska Puntland waxaana ka mid ahxildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Somalia gaar ahaana kuwa ka soo jeeda deegaanadaas.
Madaxweyanaha maamulka Puntland ayaa khudbad ka jeedi doono xuska iyada oo uu ka hadli doono arrimaha la xiriira aas-aaska iyo horumarka Puntland ay sameysay muddadii 21-sano ah ee ay jirtay.