Puntland oo maxkamad soo taagtay nin lagu eedeeyay saddex kiis oo kufsi ah

0
18

Puntland oo maxkamad soo taagtay nin lagu eedeeyay saddex kiis oo kufsi ah

Puntland ayaa maxkamad hor keentay Sharmaarke Xuseen Yuusuf, oo lagu eedeeyay saddex kiis oo kufsi ah, labo kamid ahna ay la xiriiraan kufsi iyo jirdil uu u geystay laba gabdhood oo walaalo ah, kuwaas oo da’doodu ka yartahay toban sano.

 

Xeer ilaalinta gobolka Nugaal ayaa soo bandhigtay caddeymo ay ku jiraan muuqaal laga helay kaamirooyinka CCTV, kaas oo muujinaya eedeysanaha oo carruurta kaxaysanaya gaarigiisa.

 

Sharmaarke ayaa lagu eedeeyay inuu carruurtaasi, oo kasoo jeeda qoysas danyar ah, ka qaaday magaalada Garowe isagoo sheegay inuu geynayo guryahooda oo ku yaalla xaafadaha barakacayaasha. Balse sida ay sheegtay xeer ilaalintu, wuxuu la aaday meel cidlo ah, halkaas oo la sheegay inuu ku kufsaday labada gabdhood.

 

Sidoo kale, eedaha ayaa tilmaamaya inuu jirdil u geystay wiil yar oo la dhashay gabdhahaasi, kaas oo la socday xilliga falka uu dhacayay.

 

Eedeysanaha ayaa helay fursad uu isku difaaco, waxaana uu maxkamadda ka sheegay inuusan geysan wax fal dambiyeed ah. Qareenkiisa ayaa isna ku dooday in aanay jirin caddeyn toos ah oo muujinaysa inuu kufsi geystay.

 

Sanadihii ugu dambeeyay, magaalada Garowe iyo guud ahaan Puntland waxaa kordhay tirada carruurta, gaar ahaan gabdhaha yar, oo qoysaskoodu u diraan shaqooyinka guriyaha sida Baalashka, si ay uga qeyb qaataan maaraynta dhaqaalaha qoyska. Arrintan ayaa sare u qaaday khatarta ay carruurtu la kulmaan, oo ay kamid yihiin kufsi iyo tacaddiyo kale oo xagga jinsiga ah