Puntland oo mar kale shacabkeeda uga digtay inay dhibaato u geystaan dadka ajaanibta ah

0
21

Puntland oo mar kale shacabkeeda uga digtay inay dhibaato u geystaan dadka ajaanibta ah

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa ka hadashay ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dadka ajaanibta ah, kaddib markii dadweyne caraysan ay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ku beegsadeen dadka Itoobiyaanka ah ee sida sharci-darrada ah ku jooga Puntland.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shacabka Puntland ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga iyo kuwa sharciga fulinaya, iyagoo loogu baaqay inay ka fogaadaan fal kastoo xad-gudub ah ku ah sharciga.