Puntland oo Ciidamo badan u dirtay deeganada Shabaab iyo Daacish ku dagaalameen

0
596

Puntland oo Ciidamo badan u dirtay deeganada Shabaab iyo Daacish ku dagaalameen

Maamulka Puntland ayaa Ciidamo fara badan oo aad u hubeysan u diray deegaano dhawaanahaanba ay ku wada dagaalamayeen Shabaab iyo Daacish.

Ciidamadaan ayaa ka amba-baxay Magaalada Boosaaso waxa ayna kusii jeedaan deegaanka Ceel Miraale oo qiyaastii 75KM u jira Magaalada Boosaaso oo shalay ay ku wada dagaalameyn Dagaalayahano Daacish iyo Shabaab ka kala tirsan.

Wararka ayaa sidoo kala sheegaya in Ciidamadaan ay sidoo kale ku dedaali doonaan sidii Shabaab iyo Daacish ay kaga saari lahaayeen deegaanada buuralayda ah ee gobolka Bari halkaasi oo ay ku xooganyihiin.

Dagaalka Shabaab iyo Daacish ayaa kusoo noq-noqday deeganada Gobolka Bari, waxa ayna labada dhinacba sheegtaan in guulo ay ka gareen dhinaca kale dirirtu dhexmartay.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni aya waxa uu balan qaaday in dhamaan deegaanada maamulkaasi gaar ahaan Gobolka Bari oo qeybo kamid ah Daacish iyo Shabaab isku heystaan in uu ka saari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here