Prof Abdi Samater Oo Ka Digay Shirqoolo Cusub Kenya La Damacsan Tahay Somaliya

0
507

Prof Abdi Samater Oo Ka Digay Shirqoolo Cusub Kenya La Damacsan Tahay Somaliya

Nairobi (Dalmar-News):- Dawladda Kenya waxay dhowaan kordhisay cadaadiska dhinaca diblomaasiyadda ee ay saarayso Soomaaliya iyadoo garoonka Jomo Kenyatta Airport kasoo celisay wasiiroo iyo saraakiil Soomaali ah.

Kenya ayaa sidoo kale dib usoo rogtay in dhammaan duulimaadyada ka imanaya Muqdisho ay soo maraan Wajeer si loo baadho.

Soomaaliya waa ay ka jawaabtay tallaabooyinkaasi waxayna sheegtay inaysan ka turjumayn deris wanaag.

Haddaba waxaa soo baxaya baaqyo loo jeedinayo Soomaaliya oo ah inay qorshe diblomaaisyadeed ka lahaato sida ay ula macaamilayso Kenya oo laga yaabo inay qaaddoo tallaabooyin kale.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here