Premier League & La Liga oo caawa daah-furmaya

0
38

Premier League & La Liga oo caawa daah-furmaya

Horyaallada Ingiriiska (EPL) iyo kan Spain ee (La Liga) ayaa caawa si rasmi ah u daah-furmaya, waxaa lagu billaabaya Kooxda difaacaneysa Horyaalkaas ingiriiska ee Liverpool, halka La ligaha ay dhacayaan kulamo badan.

Kooxaha ayaa isbaddel ciyaartoy sameeyay bilihii fasaxa lagu jiray maadaama fasalkii hore uu idlaaday, Naadiyaasha qaar waxaa ka tagay qaar kamid ah ciyaartoydii sanadkii tagay waqtiga wacan la qaatay iyaga oo kooxo kale galay.

Xili ciyaareedka 2025/2026 waxaa si rasmi ah u dhaqangeli doonna shuruuxda uu soo kordhiyay xiriirka kubadda Cagta ee Yurub sida hannaanka cusub ee ciyaaryahanka uu kula tacaamulayo garsooraha iyo sida looga falcelin karo haddii qalad uu dhaco.