Poland oo ku dhawaaqday go’aan wadnaha gooyey Ukraine

0
132

Poland oo ku dhawaaqday go’aan wadnaha gooyey Ukraine

Maraykanka ayaa Khamiistii sheegay in Poland ay weli sii ahaan doonto saaxiibka dhow ee Ukraine, ka dib markii dalka Poland uu ku dhawaaqay inaanay jiri doonin hub iyo rasaas dheeraad ah oo loo diro Kyiv, xilli ay sare u kacday xiisadda u dhexeysa labada dal ee salka ku haysa dhinaca dhoofka wax soo saarka beeraha.

La taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad ee Maraykanka Jake Sullivan ayaa isagu hoos u dhigay xiisadda u dhexeysa labada dal.

“Markii aan subaxnimadii hore akhriyey qodobada wararka ugu waaweyn, runtii waan werweray, waxaana i horyimi su’aalo kala geddisan. Hase ahaatee waxaan markiiba arkay afhayeenka xukuumadda Poland oo arrintan faahfaahiyey, isla markaana caddeeyey mowqifka Warsaw, oo ah inay sii wadayaan, isla markaana ay weli garab taagan yihiin Ukraine” ayuu sheegay Sullivan.

Ra’iisal wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki oo arbacadii la weydiiyey taageerada dalkiisa ee Kyiv ayaa sheegay inaan wax hub ah oo cusub loo diri doonin Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here