Nuxurka Khudbadaha Madaxda Sare Dowladda Federaalka ee furmashada Kalfadhiga 6aad BJFS

0
42

Nuxurka Khudbadaha Madaxda Sare Dowladda Federaalka ee furmashada Kalfadhiga 6aad BJFS

Waxaa maanta Xarunta Villa Hargeysa ee sida kumeel-gaarka ah ugu shiro Baarlamaanka 11aad ka furmay shirkooda, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay waxaana dhinac fadhiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Khudbadda Guddoomiyaha Aqalka Sare:

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu horreyn ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay dastuurka Dalka, waxa uu xusay in uu waqti dheeraaday.

Kalfadhigaan ayuu sheegay Guddoomiye Cabdi Xaashi in lagu dhammeystiro, waxa uu dalbaday in la caddeeyo nooca Federaal ee Soomaaliya qaadatay, howshaas oo idilna looga shaqeyn doonno kalfadhigaan 6aad sida uu hadalka u dhigay.