NISA oo sheegtay in ay qabatay sarkaal ‘AS u qaabilsan sameynta Gaadiidka loo adeegsado qaraxyada
War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu sheegay in gacanta ay kusoo dhigeen Cabdinaasir Maxamed Xasan (Xaaji) oo ‘AS’ u qaabilsanaa Hubinta & Sameynta Gaadiidka ay u adeegsadaan Qaraxyada.
Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa intaas ku dartay in Cabdinaasir uu cillad-bixiyay ilaa sagaal gaari oo qaraxyo loo adeegsaday kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad soo kala gaaray.
Gaari noociisu yahay Harrier loona adeegsaday Qaraxii ka dhacay Hotel SYL ayay NISA sheegtay in Deegaanka Ceelasha Biyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ugu soo dhiibay Cabdinaasir Daahir Nuur Jimcaale (Guri ma leedahay) oo Xukunsane ah.
Halkaan ka aqriso warka kasoo baxay Hay’adda NISA: