Ninkii dadka ku laayay masaajidka NZ oo ay wax kasoo kordheen
Ninka loo heysto in 50 qof oo muslimiin ah ku laayay masaajid ku yaala magaalada Christchurch ayaa lagu amray in uu maro baaritaan caafimaad oo dhanka maskaxda ah.
Waxaa tijaabo ka qaadi doona xeeldheerayaal xagga caafimaadka miyirka ah si loo ogaado in uu wajihi karo xeerbeegti dhagaysan doonta dacwadda loo heysto ee dil wadareedka.
Ninkan oo ku jira xabsi ayaa kasoo muuqday maxkamad isaga oo lagu soo xiriiriyay qalabka la’iska arko, waxaana maxkamadda wada fadhiyay ehelka dadkii uu laayay.
Brenton ayaanan wax hadal ah ka oran dhagaysiga dacwadda, balse aad u dhagaysanayay, balse ma uusan arki karayn dadkii maxkamadda fadhiyay.
Waxaa markale maxkamadda loo balamiyay 14 ka April.
Cumar Nabi waxa uu weerarka ku waayay aabihiis, wuxuuna yiri “Waxaan rabnaa in ninkan la ciqaabo” .
Weerarkii uu ka geystay masaajidka Al Nuur kadib, waxa uu aaday masaajidka Linwood oo ah meesha labaad oo uu falka ka geystey.
Waxaa la sheegay in uu farsameeyay qasnadda qorigiisa, islamarkaasna weeyneeyay si ay u qaaddoo rasaas badan oo aysan durba uga go’in.
Waxaa hadda lagu hayaa xabsiga Auckland ee Paramoremo, halkaas oo la rumeysanyahay in uu yahay xabsiga ugu adag New Zealand.