Nin Sheegay In Uu Meel Ku Ogyahay Diyaaradda La Waayay Ee MH370

0
458

Nin Sheegay In Uu Meel Ku Ogyahay Diyaaradda La Waayay Ee MH370
Waayitaankii diyaaraddii rakaabka Malaysia oo ay saarnaayeen 239-ka qof ayaa ka mid ah xaajooyinka dunida ugu weyn ee aanan waxbo laga ogeyn illaa iyo hadda.

Balse nin u dhashay Britain oo ah injineer dhanka duulimaadyada hawada ayaa sheegaya in uu ogaaday halka ay diyaaradaasi ku dhacday.

Rechard Godfrey ayaa aaminsan in diyaaradda Boeing 777 ay ku dhacday badweynta Hindi, meel 2,000l, galbeedka ka xigta magaalada Perth ee Australia.

Diyaaradan ayaa raadaarka laga waayay bishii Maarso ee 2014-kii xilli ay ku jirtay duulimaad , kadibna baaritaan iyo gurmad heer calami ah oo la sameeyay ayaa la waayay raq iyo ruuxba halka ay diyaaradaasi ku dhacday, macal dadkeedii, xitaa waxaa la waayay burburkeeda.

Balse Richard ayaa sheegay in isticmaalay farsamo casri ah oo uu xisaabiyay xogaha kala duwan ee illaa hadda la hayo, kadibna ay usoo baxday halka ay diyaaradda ku dhacday
Mr Godfrey ayaa sheegay in uu isu geeyay xoggo dhanka duulimaadka ah oo dhinacyo kala duwan ay soo saareen, taas oo aysan jirin cid u samaysay ama isugu dayday.

“Ma jirin qof ka fikiray in uu isu geeyo xogta dayaxgacmeedka Inmarsar, tan diyaaradda Boeing, tan ku saabsan jihada ay walxuha u sabeeyaan biyaha dushooda iyo xogta WSPR loo yaqaano” ayuu yiri Mudane Richard.

Isaga iyo koox kale oo injineero ah oo muddo sanad ah hawshan ka shaqaynayay ayaa qaba in xogtan cusub ee ay heleen ay noqon karto mid miro dhal ah haddii lagu talaabo qaado oo laga baaro halka ay tilmaameen.
Balse waxaa jirta in Meesha ay tilmaameen hadda ka horba laga baaray , balse Richard waxa uu qabaa in baaritaanka aanan lagu gaarin gunta badda iyo dhammaan meelihii loo baahnaa.

Ehalada dadka ku maqan diyaaradan ayaa soo dhoweeyay rajadan cusub ee la sheegay, waxaana ka mid ah Grace Nathan oo hooyadeed ay ku maqantahay diyaaradda.
Mr Richard waxa uu sheegay in haddii illaa 4 kun oo mitir gunta loo quuso badda, la heli karo haraaga diyaaradda.

Richard laftiisa ayaa 2009-kii ka baaqsaday shil diyaaradeed kadib markii uu si lama filaan ah uga haray diyaarad uu raaci rabay, taas oo markii dambe burburtay. Wixii markaas ka dambeeyay wuxuu go’aansaday in uu waqti galiyo sidii uu uga qeyb qaadan lahaa hagaajinta hannaanka badqabka duulimaadyada.

David Gleave oo ka tirsan shirkadda tallobixinta duulimaadyada , qudhiisana muddo badan ka shaqeeyay baaritaanada shilal diyaaradeed oo dhacay ayaa qaba in xogta cusub ee hadda soo baxday ay tahay mid loo qaateen ah, balse wuxuu welwel ka muujinayay maalgalinta qarashka ku baxaya baaritaanka oo ay ku kacayso malaayiin doolar.

Mid ka mid ah fikradaha aan la hubin ee laga haysto waxa ku dhacay diyaaraddan ayaa ah in duuliyaha uu afduubtay diyaaradda, damiyay raadaarka, kadiba uu badda ku riday diyaaradda.

Richard waxa uu qabaa in fikradaasi iyo Meesha hadda uu tilmaamay uu xiriir ka dhexeeyo, maadaamaa meel halkaasi ka sokeysa aysan diyaarad ku qarsoomi karin muddo intaas la’eg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here