Nin Lagu Tuhunsan Yahay Inuu Qarax Ka Geysan Lahaa Uganda Oo Gacanta Lagu Dhigay
Afhayeenka Booliska magaalada Kampala, Patrick Onyango ayaa sheegay in la qabtay Eedeysane ka tirsan Maleeshiyada hubeysan ee Isbahaysiga Ciidamada Dimuqraadiga ee ay wada shaqaynta kala dhexeyso Kooxda Daacish (ISIS).
Afhayeenka oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalada Kampala ayaa waxa uu xusay inay dabagal ku hayeen Koox lagu tuhunsan yahay inay yihiin Is-qarxiyayaal tan iyo bishii November ee sanadkii hore ee 2022-kii.
Waxa uu intaasi ku daray in Eedeysanayaasha dusha lagala socday Guryo ay ka kireysteen deegaanka Kigagga ee magaaladda Kampala.
Afhayeenka ayaa waxa uu xusay inay Hal Eedeysane ka soo qabteen Guriga, iyadoo ay Baarayaasha soo heleen qalab uu ka mid ahaa kuwa laga farsameeyey Qaraxyada, waa sida uu hadalka u dhigay.
Muddadii uu socdayH awlgalkaasi oo ay si Wadajir ah u fuliyeen Hay’adaha Amaanka Uganda ayaa waxay ku soo heleen 3 Khasnadaha Rasaasta ee Qoryaha darandooriga u dhaca (submachine guns), 88 xabadaha isla qoryahaasi, 88 rasaasta Bistoolada nooca (Star Pistols), 2 Bistoolad kale ee nooca gudaha lagu farsameeyey iyo tiro badan ee qalabka laga farsameeyo Bambooyinka.
Si kastaba ha ahaatee, Kooxda hubeysan ee Isbahaysiga Ciidamada Dimuqraadiga (ADF) ayaa waxay ku biireen Kooxda Daacish-ta Gobalka Afrikada Dhexe (the Islamic State in Central Africa Province (ISCAP) sanadkii 2019-kii.