Nin Ku Eedeysan Kufsi Iyo Dilkii Loo Geystya Ugbaad Oo Maxkamad La Horgeeyay

0
349

Nin Ku Eedeysan Kufsi Iyo Dilkii Loo Geystya Ugbaad Oo Maxkamad La Horgeeyay

Maxkamadda Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa waxaa saakay waxaa la horgeeyay Nin lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay fal isugu jiray kufsi iyo dil oo Magaalada Burco loogu geystay Haweeneyd kamid aheyd dadka deegaanka.

Maxkamadda ayaa bilowday dhageysiga Kiiska eedeysanaha oo loo heysto in fal kufsi iyo dil uu u geystay Haweeney lagu magacaabi jiray Ugbaad Cali Dhaban-loox, kaasi oo ay gacanta ku dhigeen laamaha amniga Burco.

Markii lasoo Gaba-gabeeyo kiiska eedeysaha ayaa waxaa la filayaa in Maxkamadda Togdheer ay Go’aan rasmi ah ka gaarto kiiska Ninkaas, waxaana Madaxweynaha Somaliland uu horey u sheegay in si Deg deg ah loo fulin doono xukunka Maxkamadda.

Allaha u naxariistee Ugbaad Cali Dhaban-loox ayaa aheyd Hooyo saddex Carruur ah dhashay, waxaana la sheegay in Ninka eedeysanahay uu u geystay fal isugu jiray kufsi iyo Dil, sida ay sheegeen Ehelada Marxuumada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here