Nigeria : Rag Hubeysan OO 25 Qof Ka Afduubtay Kaniisad

0
155

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday kaniisad ku taal waqooyiga galbeed ee Nigeria gaar ahaan gobolka Kaduna, iyagoo afduubtay ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsan dadkii halkaasi ku cibaadeysanayay.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ururka Christian Association of Nigeria, dableyda ayaa gudaha u gashay kaniisada Bege Baptist ee magaalada Chikun oo markii hore ay afduubteen 40 qof balse 15 ay u suurtagashay inay baxsadaan.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa xaqiijiyay in weerarku uu dhacay balse ma uusan bixin wax faah faahin ah.

Labadii sano ee la soo dhaafay, waxaa si joogta ah u dhacayay afduubyo wadareed ay gaysteen kooxo dambiilayaal ah oo aan loo maleyneynin inay xiriir la leeyihiin mintidiinta Islaamiga ah, ee ka howlgala qeybo ka mid ah waqooyiga Nigeria.

Afduubayaashu waxay inta badan dalbadaan madaxfurasho ka hor inta aysan sii deyn la haystayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here