Nigeria oo lagu qabtay Haween la sheegay in loo tahriibin rabay Soomaaliya

0
4

Nigeria oo lagu qabtay Haween la sheegay in loo tahriibin rabay Soomaaliya

Maamulka Gobolka Kano ee dhaca Waqooyiga Dalka Nigeria ayaa sheegay in uu kahortagay Haween loo tahriibin rabay Soomaaliya kaddib Hay’adaha ammaanka oo helay xog dadka deegaanka ay la wadaageen ay kusoo qabtaan labadaas ruux ee dumarka ah.

Ku xigeenka Taliyaha guud ee Guddiga Hisbah, Sheekh Mujahid Aminudeen Abuubakar ayaa Warbaahinta u sheegay in lala wadaagay xogta Gabdhahaan oo 22 jir iyo 33 jir kala ah oo la rabay in laga wado Gobolka Katsina si loo geeyo Soomaaliya.

Waxaa la xiray Abubakar Adodo (43 jir) oo lagu tuhunsan yahay in uu ahaa tahriibiyaha isku dayay in uu haweenka siiyo safar u horseedaya Soomaaliya. Kiiska waxaa loo gudbiyey hay’adda NAPTIP si ay u sii baaritaan isla markaana dacwad uga gudbiso.

“Waxa aan helnay xog sheegaysa dhaqdhaqaaqa dadkaan looga shakisan yahay tahriibinta Dadka, waxa aan si degdeg ah uga jawaabay saraakiisheenna qaybta howlaha gaadiidka oo qabtay Haweenkaan la rabay in laga qaado Gobolka Katsina” ayuu yiri Taliye ku xigeenka Guddiga Xisbah ee Ismaamulka Kano.

Waxa uu intaas ku daray in Haweenkaan la geeyay goob laga raaco Gawaarida si loo geeyo magaalada Lagos si ay usii galaan safar kale oo ay ku gaarayaan ilaa Soomaaliya balse ay kahortageen ciidamada ammaanka Kano State sida uu hadalka u dhigay.

Haweenka la badbaadiyay oo magacyadooda lagu kala sheegay Hajara Ismail oo 22 jir ah & Bilkisu Haruna 33 jir ah waxaa lagu wareejiyay Hay’adda Qaranka ee la dagaalanka Tahriibinta Dadka, waxaa sidoo kale su’aalo la weydiinayaa Ninka la tuhmayo tahriibintooda.