Nigeria : In Ka Badan 250 Dagaalame Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay dalkaasi
Militariga Nigeria ayaa sheegey inay dileen in ka badan 250 maleeshiyaadka Boko Haram iyo Daacishta Galbeedka Africa ee loo soo gaabiyo (ISWAP), iyada oo labadii toddobaad ee ugu dambeysey kooxdan dagaal lagu hayey.
Afhayeenka milatariga Nigeria ayaa sheegey inay soo badbaadiyeen 3 gabdhood oo ka mid ahaa gabdhihii Chibok ee schoolka ay kasoo afduubeen maleeshiyaadkan ayna heysteen tan iyo 2014ka.
Timothy Obiezu ayaa warbixintan Abuja kasoo direy, Falastin Ahmed Iman ayaa noo soo koobeysa.