Netanyahu oo lagu eedeeyay in uu Israa’iil ku badiyay cadawgeeda

0
47

Xubno katirsan Mucaaradka kasoo horjeeda Siyaasadda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa hoggaamiyahaas ku dhaliilay in uu kordhiyay cadawga ay leeyihiin kaddib markii weerarro aan loo meel dayin ay ku qaadeen dalal badan.

Warbaahinta u janjeerta dhinaca mucaaradka oo la hadashay qaar kamid ah xubnahaas ayaa sheegtay in aanay ku faraxsanayn Shacabka Israa’iil weerarrada marba dhinac ay ku qaadayso waddamada kala duwan ee bariga dhexe.

Mowjadaha ay dhex dabaalanayso Israa’iil waa in ay iska ilaalinayso Iiraan, Yemen, Lubnaan, Suuriya iyo dalal kale oo carbeed oo ay ka fulisay weerarro duqeymo ah kuna beegsatay xubno katirsan Xamaas balse qaarkood aanay dilin.