Netanyahu: “Dharbaaxo xun ayaan gaarsiinay cadawgeena”

0
59

Netanyahu: “Dharbaaxo xun ayaan gaarsiinay cadawgeena”

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa khudbad u jeediyay Arbacadii kaddib geeridii hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh iyo taliyihii sare ee Xisbullah Fu’ad Shukr.

Israa’iil waxay “dharbaaxo xunxun” gaarsiisay cadawgeeda maalmihii la soo dhaafay, ayuu ku sheegay hadal laga sii daayay telefishinka.

“Saddex toddobaad ka hor, waxaan weerarnay madaxa militariga Hamas, Mohammad Deif. Labo todobaad ka hor waxaan ku weerarnay Xuutiyiinta, mid ka mid ah weeraradii ugu fogaa ee ciidamada Cirka ay fuliyaan. Shalay waxaan weerarnay madaxa militariga ee Xisbullah, Fu’aad Shukr,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo aan soo hadal qaadin dilka Ismacil Haniyeh oo illaa hadda aysan sheegan Israel.

Netanyahu wuxuu sheegay in Israa’iil ay wajaheyso “maalmo adag.”

“Waa maalmo adag. Waxaa jira hanjabaado ka imaanaya Beirut. Waxaan diyaar u nahay xaalad kasta. Waan diyaarsannahay,” ayuu yiri.

“Cid kasta oo na wax yeesha, qof kasta oo caruurteena xasuuqa, qof kasta oo muwaadiniinteena dilaya, qof kasta oo qarankeena wax u dhimaya si adag ayaan uga hortagaynaa”. ayuu yiri

Waxa uu xusay in ay ka go’an tahay in dagaalka uu sii socdo inta laga gaarayo ujeedooyinka dagaalka.

Netanyahu ma uusan sheegin geerida Haniyeh ee Tehran. Israa’iil ma xaqiijin mana beenin inay ka dambaysay dilka Haniyah.