Natiijada imtaxaanka fasalka 8aad ee Gobolka Banaadir oo maanta la shaaciyay

0
217

Natiijada imtaxaanka fasalka 8aad ee Gobolka Banaadir oo maanta la shaaciyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay shaacinta natiijada imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023 oo sanadkan ay u fadhiisatay 31,372-Arday oo ka kala socda 76-xarumood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood kamid ah dugsiyada Gobolka Banaadir.

Agaasimaha guud ee waxbarashada Gobolka Banaadir Dr. Cabdifitaax Bare oo natiijadaan shaaciyay ayaa sheegay in ay gudubtay 30,837 Arday halka ay dhacday 535 Arday kuwaas oo dhawaan u fadhiistay imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hambalyeeyay ardaydii gudubtay imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir, isaga oo sidoo kale la dardaarmay waalidiinta Soomaaliyeed.

Munaasabadda shaacinta natiijada imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023 oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxda ugu sarreysa Maamulka Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, Waalidiin iyo marti sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here