MW ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris: “Ruushka waxa uu Ukraine ka geystay Dambiyo ka dhan ah Aadanaha”.

0
229

MW ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris: “Ruushka waxa uu Ukraine ka geystay Dambiyo ka dhan ah Aadanaha”.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa Eedeyn culus u jeedisay Ruushka kaddib markii ay ku eedeysay in dhibaatooyin ka dhan ah Aadanaha uu ka geystay waddanka Ukraine ee uu ku duullay 24kii Febaraayo 2022.

Kamala Harris ayaa intaas ku dartay in caddeymaha Mareykanka uu helay ay muujinayaan in Ruushka si sharci darro ah uu u beegsaday goobaha rayidka, adeegsadayna hub culus oo mamnuuc ah halka uu weli sii wado dambiyadaas bani aadamnimo.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa Ruushka ugu caga-jugleysay in lala xisaabtami doonno si loogu ciqaabo dambiyada kala duwan ee ka dhanka ah Aadanaha uu ka geystay Ukraine waa sida ay hadalka u dhigtay.

“Ruushka waxa uu Ukraine ka geystay dambiyo bani aadamnimo, waxa aan eegnay caddeymaha muujinaya dambiga uu galay waxaana ogaanay xad-gudubka uu geystay, tallaabada Moscow waa mid sharci darro ah oo u baahan in wax laga qabto si loola xisaabtamo” Kamala Harris, Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka.

Mareykanka ayaa kahor inta uusan Ruushka ku dhiiran duullaanka uu ku qaaday Ukraine waxa uu sheegay in uu difaacayo Kyiv haddii Moscow ay weerarto balse ma dhicin arrintaas waana tan keentay in Dadka Ukraine ay ka aamin baxaan ku tiirsanaanta dalalkii u ballanqaaday garab-istaagga ee uga ballan baxay.

Xukuumadda Washington ayaa si dadban u gashay dagaalka sanad jirsaday ee ka socda Ukraine maadaama hubka wax difaaca, Gantaallada wax burburiya, Gaadiidka adag & saanad kale ay siisay dhiggeeda Kyiv balse Mareykanka waxa uu Ukraine u diiday in uu siiyo Diyaaradaha casriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here