MW Ismaaciil Cumar Geelle oo sii billaabay ololaha Doorashada dhacaysa April 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sii billaabay ololaha Doorashada dalkiisa ee lagu ballansan yahay in ay dhacdo bisha 4aad April ee sanadka soo socda 2026 isaga oo markiisii 6aad tartamaya.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa safar socod ah ku maraya qaybo kala duwan oo katirsan Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa uu billaabay kulamo uu la qaadanayo siyaasiyiin, xubnaha bulshada rayidka ah iyo xubno xilal kala duwan horay usoo qabtay.
Geelle oo dhowaan loo fasaxay in uu xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jubuuti u tartami karo markiisii lixaad isla markaana meesha laga saaray qodobadii dastuuriga ah ee xadidayay muddada uu isasoo sharixi karo ayaa haysta fursad uu markale ku guulan karo.
Xubnaha Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in ay kursiga isku sii dhajineyso, waxa ay sheegeen in sababta keentay dastuur furista loo sameeyay ay tahay sii joogitaanka kursiga dalkaas ugu sarreeya ee Madaxweynaha.
























