MW Faransiiska oo Midowga Yurub ugu baaqay in ay qaataan Istaraatiijiyad ka madaxbannaan Mareykanka & Shiinaha.

0
178

MW Faransiiska oo Midowga Yurub ugu baaqay in ay qaataan Istaraatiijiyad ka madaxbannaan Mareykanka & Shiinaha.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Midowga Yurub usoo jeediyay in ay ka fogaadaan ku dhex milanka siyaasadda tooska ah ee u dhaxeysa Mareykanka & Shiinaha ee ubucdeedu tahay Taiwan.

Macron ayaa si cad u sheegay in aanay habbooneen xiiseynta in dab lagu sii shido arrinta Taiwan oo Mareykanka uu si gaar ah u doonayo in uu ku cadaadiyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha balse Midowga Yurub oo ka digtoonaado raacista raadkaas.

Shiinaha ayaa billaabay daandaansi ka dhan ah Taiwan kaddib markii Militariga Beijing ay sameeyeen dhoolatus dhaliyay cabsi la xiriirta in ay isku dhacaan labadaan ciidan, Midowga Yurub oo la daalaadhacaya arrinta Ukraine ayaa ka fiirsanaya dagaal jiho cusub ah.

Taiwan ayaa isu aragta in ay ka madaxbannaan tahay Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha balse Beijing ayaa dhankeeda ku doodeysa in dhul weynaheeda ay qayb ka tahay Taiwan balse Mareykanka ayaa damacsan in uu gooni goosad ka dhigo.

Midowga Yurub waxaa si toos ah u saameeyay dagaalka Ruushka uu ku qaaday 24kii Febaraayo 2022, kahor duullaankaas waxaa cabsi lagu muujinayay dhaqdhaqaaqyada labada dhinac inkasta EU-da ay aaminsanayeen in marnaba Moscow aanay ku duulleen Kyiv.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here