MW Deni oo Guddoon cusub u magacaabay Gobolka Nugaal.
Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddoomiye iyo ku xigeennadiisa u magacaabay Gobolka Nugaal kaddib markii uu xilka ka qaaday Guddoonkii hore ee Gobolkaas sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada.
Deni oo kordhiyay magacaabista iyo xil ka qaadista mas’uuliyiinta kala duwan ayaa sababta xil u magacaabista Guddoonka cusub ku sifeeyay ‘Baahida loo qabo dardargelinta maamulka Gobolka Nugaal, aqoonta mas’uuliyiintaan cusub ay u leeyahay xilalka uu u kala magacaabay & waaya-aragnimada shaqo ee kaashanayaan’.
Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Nugaal waxaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Abshir Faarax, halka ku xigeenkiisa 1aad uu yahay Mukhtaar Faarax Jeer waxaana ku xigeenka labaad ah Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir).
Magacaabista maamulka cusub ee Gobolka Nugaal ayaa kusoo beegantay iyada oo khilaafaad siyaasadeed oo sababay dagaal toos ah uu ka jiro Deegaannada DG Puntland gaar ahaan Magaalada Garoowe oo ah xarunta Gobolkaas.