Muxuu Daaranyahay Cafıska Madaxweyne Muuse Biixi u fidiyay Maxamed Cumar Carte
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa Goordhow Soo gaadhay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, iyadoo halkaas siweyn loogu dhaweeyay.
Garoonka diyaaradaha Cigaal ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Maxamed Cumar Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah Eheladiisa oo in muddo ah aysan is arag.
Socdaalka Hargeysa uu ku tegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu yahay mid uu ku doonayo in uu ku arko Aabihiis Cumar Carte Qaalib oo ku xanuunsanayo halkaas, sidoo kalena ah siyaasi Caanka ah.
Kahor tegitaanka Maxamed Cumar ee Hargeysa ayaa waxaa cafis u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isla markaana tixgeliyay Codka uga yimid Maxamed oo ah inuu Aabihiis oo caan ka ah Somaliland uu xauunsanyahay.
Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa la sheegay inuu iska casilay xubinimadii Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana sababta lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu Go’aan ku gaaray inuu tego Hargeysa oo uu ku xanuunsanyo Aabihiis Cumar Carte Qaalib.
Hoos ka Akhiso Qoraalka kasoo baxay Madaxweyne Muuse Biixi.