Muthuvel Karunanidhi ayaa dhintay isaga 94 jir ah

0
612

Geerida Muthuvel Karunanidhi, oo 94 sano ah jir ah , ayaa waxay noqonaysa dhamaadka siyaasadeed ee rugcadaa taariikh ka galay siyaasadda dalka Hindiya.Karunanidhi, waxa uu mudda dheer madax ka ahaa gobolka Tamil Nadu, shan mar ayaana la soo doortay intii u dhaxeysay 1969-kii iyo 2011-kii, waxa uu ka soo jeeda qoys sabool ah. Markii uu 14 sano jirka ahaa wuxuu ka haray iskuulka si uu ugu biiro arday isabaabulay oo tageersanaa xisbiga cadaalad doonka ah, muddo kaddib waxaa la wareegay koox isbadel doon ah oo ka soo jeeda Tamil.Iyadoo ay xisbiyada kale la dagaalamayeen xukunka Ingiriiska, ayaa xisbiga cadaalad doonka waxa uu u istaagay sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha ka jira Koonfurta dalka Hindiya.Waxa uu sameeyey olole uu ooga soo horjeedo kaligii taliskii Brahmins, wuxuuna sidoo kale ka mudaharaaday talaabo ay dowlada ku meel marinaysay in luuqadda rasmiga ah laga dhigo afka Hindiga.Yaraantiisii wuxuu u ololeyn jiray xuquuqdabini’aadamka , waxa uuna u doodi jiray inay dadka helaan cadaalad xaq ah.Balse arrimaha uu aaminsanaa ayaan marwalba lagu taageeri jirin.Markii ugu horreysay ee uu siyaasadda qaranka uu soo galay 1989-kii , wuxuu aasaasay xisbi u gooni ahaa.Xisbigiisa ayaa sidoo kale wuxuu ku biiray isbahaysi ay dowlada hogaaminaysay oo uu madax ka ahaa Bharatiya Janata 1999-kii.*.Khatar cusub oo soo wajahday Muslimiinta Rohingya*.Atariisho lagu ‘kufsaday’ dalka Hindiya*.Haweeney Amerikaan oo lagu”kufsaday” HindiyaXilligii uu siyaasadda ku jiray wuxuu wajahay dacwado musuqmaasuq ah.Waxaana marar badan lagu soo eedeeyey dacwado ah inuu qoyskiisa iyo asxaabtiisa uu xilalka siiyey.Walaalihiis ayaa sheegay inay maareyn jireen telefishinada ganacsiga ee dalka, waxaana marar badan lagu soo eedeeyey inuu lug ku lahaa siyaasadda badelan ee DMK. Wiilashiisa iyo gabadh uu dhalay ayaa sidoo kale la siiyey xilalka hogaanka si ay xisbiga madax ooga noqdan.Balse wuxuu ahaa nin u taagan inuu wax ka qabto siyaasadda gobolka Tamil Nadu.Dadka ayaa si weyn u tageeri jiray, waxaana jiray faalooyin badan oo laga qoray oo si weyn ooga hadlaya khubadihii uu jeediyey

Farshaxaniste

Tageerayaashiisa waxay ugu magac dareen Kalaignar, oo loo yaqaana “farshaxaniste”. Dadkii mucaaradi jiray ayaa waxay ku farxi jireen waxyaabihii uu ku soo biiriyey shelleemooyinka Tamil.1952kii wuxuu qoray sheekada filimka Parasakthi oo noqday filim aad loo daawaday.Balse iyadoo laga mudaharaaday filimkan ayaana hadana la daawaday. Waxaana ilaa hada aad looga daawasaa Tamil Karunanidhi ayaa wuxuu ka tagay taariikh aad naadir u ah , wuxuuna ahaa hoggaamiyesoo qabtay xilal kala duwan.f

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here