Musharrixiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha Guinea oo la hordhigay $100,000 oo dhigaal ah!

0
8

Musharrixiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha Guinea oo la hordhigay $100,000 oo dhigaal ah!

Dalka Guinea ee dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa tan iyo sanadkii 2021kii gacanta Militariga ku jira, waxa uu qorshuhu yahay in dhammaadka sanadkaan awoodda Shacabka dib loogu celiyo iyada oo ay soo baxayaan shuruudo culus oo saamayntooda leh.

 

Musharrixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha ayaa la hordhigay in ay bixiyaan lacag dhan 875 Milyan oo ah lacagta dalkaas una dhiganta $100 kun oo doollar, waxaa dhinac yaal shuruud kale oo ah in musharrixii hela in ka badan 5% codadka la wareegga 1aad dib loogu celin doonno dhigaalkiisa lacageed.

 

Tani waxaa cabasho ka keenay xubnaha xildoonka ah oo sheegay in shuruuddaan ay aad ugu adag tahay maadaama lacagta laga rabo ay badan tahay, waxa ay soo jeediyeen in laga farageliyo oo la dabciyo shuruudahaas adag si ay u xoojiyaan ololaha doorashadooda.