Musharax Joe Biden Oo Somalia Ka Saaraya Liis Madow Uu Horey U Geliyay Trump

0
320

Musharax Joe Biden Oo Somalia Ka Saaraya Liis Madow Uu Horey U Geliyay Trump

Machadka Heritage Foundation ayaa sheegay in Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu qorsheynayo in markii loo doorto xilka Madaxweynaha Mareykanka uu dalka Soomaaliya ka qaadi doono xayiraada ka saaran socdaalka Mareykanka.

Warbixinta uu daabacay Machadka Heritage ayaa lagu sheegay in Joe Biden uu doonayo inuu Soomaaliya ka saaro Liiska dalal uu horey Madaxweyne Donald Trump ugu soo rogay xayiraad dhanka socdaalka, isagoo ku eedeeyay dalalkaas inay ku badan yihiin ururo Argagixiso oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ayaa tilmaamay in haddii la doorto uu gudbin doono soo jeedin ku aadan qorshe muwaadinimada Mareykanka ku helayaan 11 milyan oo muhaajiriinta sharciga aan heysan.

Sidoo kale Machadka Heritage  ayaa xusay in Joe Biden uu qorsheynayo in meesha uu ka saaro isku dayga Madaxweyne Trump  uu ku doonayo inuu ku baabi’iyo barnaamijka waalidiinta ay Caruurtooda ku heysanyaan markii ay galaan gudaha Mareykanka.

2017-kii ayay aheyd markii Trump uu soo saaray Go’aan muwaadiniinta dalal ay ku jiro Soomaaliya looga mamnuucay socdaalka Mareykanka, xili uu ku eedeeyay in dalalkaas ay ku xoogan yihiin ururo gacansaar la leh Al-Qaacida,  waxaana dalalkaas kamid ah Soomaaliya, Iiraan, Yemen iyo Ciraaq.

Si kastaba Doorashada ka dhaceysa dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu wadaa inay bilaabato bisha soo socota ee November saddexdeeda, waxaana Doorashada ku loolamaya Musharaxiin dhowr ah uu ku jiro Madaxweyne Donald Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here