Muqdisho: Nin Dil Naxdin Leh U Geystay Haweeney Ay Kala Tageen

0
482

Muqdisho: Nin Dil Naxdin Leh U Geystay Haweeney Ay Kala Tageen

Faah faahino ayaa laga helayaa Nin hubeysan oo gelinkii dambe ee shalay xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir si bareer ah ugu dilay haweeney uu horey u qabay, ayna kala taggeen.

Dilkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay xaafadda Silliga American-ka ee Wadajir, waxaana Ninka falka geystay oo lagu magacaabo Cabdi Xasan Maxamed uu dilka haweeneydii ay kala tageen u adeegsaday tooreey ama mindi.

Aabaha dhalay Marxuumada la dilay oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dilkaas uu yimid, kadib markii gabdhiisa oo lagu magacaabi jiray Zamzam Cabdiwaaxid Daahir ay iska diiday inuu dib u guursado Cabdi Xasan oo ay kala tageen.

Sidoo kale Aabe Cabdiwaaxid Daahir Geelle ayaa waxaa uu sheegay in falka inta uusan dhicin kahor uu u yimid Cabdi Xasan, uuna weydiistay inuu dib ugu laabto gabdhiisa Zamzam, hayeeshee salaadii maqrib kadib uu maqlay dilka gabadhiisa.

“Marka hore inuu guriga soo galo ayaa loo diiday Ninka dilka geystay, basle Albaabda ayuu soo jebiyay, kadibna waxaa uu afka ka qabtay hooyadey oo fadhida guriga dhexdiisa, isaga oo markii dambe toorey qeybaha sare ee jirka ugu dhuftay Hooyo, anigana waan kasoo cararay goobta” ayay tiri Gabar yar oo ay dhashay Marxuumada geeriyootay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ayaa tegay goobta falka uu ka dhacay, iyagoo baaritaano kala duwan sameeyay kusoo qabtay Cabdi Xasan Maxamed oo dilay Marxuumad Zamzam Cabdiwaaxid, kaasi oo haatan lagu xiray Saldhig Boolis.

Si kastaba Cabdi Xasan Maxamed iyo Zamzam ayaa kala tegay 26-kii bishii Agoosto ee sanadkaan 2020, iyadoo Marxuumada aan wax u bad ah u dhalin Ninkii nafta dhaafiyay, waxaana Zamzam Ifka kaga tegtay laba Caruur oo ay horey u dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here