Milateriga Mnyamar Oo Eedeymo Usoo Jeediyay Aung San Suu Kyi
Booliska dalka Mnyamar oo sidookale loo yaqaano Burma ayaa dhowr dacwadood kusoo eedeeyay hogaamiyaha rayidka ee la doortay ee dalkaas, Aung San Suu Kyi kadib afgembigii milateriga ee dalkaas ka dhacay horraantii toddobaadkan.
Waraaq kasoo baxday booliska dalkaas ayaa lagu sheegay in hogaamiyaha dalkaas xabsi guri la geliyay ilaa 15-ka bisha Febraayo, waxaana waxyaabaha lagu soo eedeeyay kamid ah inay ku xad-gudubtay sharciga dhoofinta iyo wax soo dejinta ee dalkaas iyo inay soo iibsatay qalab isgaarsiin oo sharci darro ah.
Ilaa iyo hadda ma cadda halka ay ku sugan tahay Aung San Suu Kyi inkastoo la leeyahay waxaa lagu haya guri ay degan tahay oo ku yaalla caasimadda dalkaas Nay Pyi Taw.
Sidookale madaxweynaha xilka laga tuuray ee dalkaas, Win Myint ayaa isna kamid ah dadka dacwadaha loo soo jeediyay sida ku xusan dukumenti ay soo saareen booliska dalkaas. Waxaa isna lagu eedeeyay in uu ku xad-gudbay sharciga looga hortagayo faafidda feyraska corona, waxaana la geliyay xabsi guri laba asbuuc ah.