Milatariga Sudan oo magaallo laga heesto ka dhiganaya Madaxtooyo

0
63

Milatariga Sudan oo magaallo laga heesto ka dhiganaya Madaxtooyo

Ciidamada milatariga dalka Sudan uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa bilaabay howlgal cusub ay ku doonayaan in ay kula wareegaan magaalada Omdurman , oo ah magaalo weyn oo ku dhaw caasimada Sudan ee Khartuum.

War kasoo baxay milatariga Sudan oo lagu baahiyay telefishinka dalkaasi ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaha milatariga dalkaasi uu hoggaaminayo howlgal ciidamada kula wareegayaan magaalada Omdurman oo la qorsheeyay in laga dhigo madaxtooyo cusub.

Ciidamada milatariga Sudan ayaa kusii siqaya magaalada Omdurman oo ay heestaan ciidamada RSF ,waxa ayna ciidanka milatariga doonayaan in magaaladan gacantooda si buuxda ugu soo gasho si ay saldhig ugu noqoto dowladda milatariga hoggaamiyo.

Hoggaamiyaha milatariga dalka Sudan Jeneraal al-Burhaan ayaa tan iyo markii uu ka tagay magaalada Khartoum waxa uu saldhig ka dhigtay magaalada Port Sudan ee bariga dalkaasi, waxa uuna hadda doonayaa in madaxtooyo cusub ka sameesto magaalada Omdurman oo gacantooda ka maqan.