Milatariga la wareegay talada dalka Niger oo codsi u diray kooxda Wagner

0
187

Saraakiisha milatari ee la wareegay talada dalka Niger ayaa taageero milatari ka dalbaday ciidamada calooshood u shaqeystayaasha Wagner ee dalka Ruushka, xilli milatariga af-gambiyay dowladda Niger la kulmayaan cadaadis xooggan.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in saraakiisha Niger la wareegay ay ka walaacsan yihiin suurtogalnimada faragelinta ciidamo ka socda dalalka ku bahoobay Urur-Gobaleedka ECOWAS, si ciidankaasi talada dib ugu celiyaan dowladdii la riday.

Madaxda dowladaha ku bahoobay ECOWAS ayaa horey ugu qabtay ciidamada milatariga Niger ee xilka la wareegay in ugu dambeyn talada dalkaasi dib ugu celiyaan maanta oo Axad ah dowladdii ay af-gambiyeen.

Hoggaamiyaha af-gembiga Niger, Jeneral Salifou Mody oo dhawwaan tegay dalka Mali, ayaa halkaasi kula soo kulmay saraakiil katirsam kooxda Wagner, kuwaa uu wadahadal kaddib ka codsaday in ay ka taageeraan sidii ay xilka kusii heysan lahaayeen.

Wakaaladaha wararka oo soo xiganaya saraakiil kala duwan ayaa xaqiijiyay kulanka dhax maray kooxda Wagner iyo saraakiisha af-gambiga Niger, waxa ayna xuseen in milatariga Niger ka rabaan Wagner in ay gacan ku siiyaan sidii talada kusii joogi lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here